About OL
Safety info
Presentations
For kids
News
Get involved
Partners
Contact us
Presenters only

In English
In Hmong
In Vietnamese

HGudubka Jidka Taareenka

Jidadka (biraha) badan
Marka aad u soo dhowaatid isgoyska tareenka, fiiri calaamadda isku tilaabta ah hoosteeda bal haddii ay jirto calaamad sheegaysa in uusan jidku mid kaliya ahayn. Haddii ay ka badan yihiin hal jid, ha isku dayin in aad durbadiiba goysid marka uu tareenku ku dhaafo. Sug oo hubi tareen kale in aanu ku soo jirin wado kale ama jaho kale-kan kowaad waxa uu kaa qarrin karaa kuwa kale.

Isgoysyada badan ayaa leh albaabo iyo nalal gaduudan iyo jaras (ama gambaleel) digniin ah. Marka ay nalaka digniintu big-big leeyihiin waa in aad joogsataa. Waxay big-bigtaas u dhigantahay tareen ayaa soo socda. Waa sharcidarro in aad la wareegtid isbaarada hoos loo dhigay. Marka isbaarada kor loo qaado nalalkuna joogiyaan big-bigta waad socon kartaa. Haddii ay nalaka digniintu big-big leeyihiin isgoyskuna uusan isbaaro lahayn waa in aad joogsataa. Sida kaliya oo aad ku gudbi karti waa marka uusan tareeenka muuqanin.

Haddii isgoysku uusan lahay isbaaro iyo nal, sug in kugu filan marka uu tareenku ku dhaafo si aad dhan walba ee wadada aad ugu aragtid si wanaagsan inta aadan bilaabin in aad goysid wadada.

Sidii aad samayn lahayd haddii aad ku xanibbanto jidka tareenka
Haddii gaarigu kaaga fariisto jidka uu tareenka maro dhexdiisa, isla markiiba ka saar dadka saran oo dhan xataa haddii aadan arkin tareen soo socda. Dhakhso uga baxa jidka tareenka. Haddii uu tareenka soo socdana, u soco dhanka uu ka imaanayo tareenka marka aad ka baxdid jidka. Haddii aad u carartid dhanka tareenka uu u socdo, waxaad ku dhaawicmi kartaa firirka ka yimaada marka uu tareenku ku dhaco gaariga. Markii aad gaartid meel amaan ah ee ka durugsan isgoyska wac lambarka xaaladaha deg-degga ah ee jidka tareeka ee ku dhagsan isgoyska ama wac 9-1-1. Waa in marka hore la wacaa lambarka xaaladaha deg-degga ah ee jidka tareeka haddii la heli karo si ay war-tabiyey-yaasha (tareenadu) u howl galaan.

Xikmado la xiriira Darawalada Baabuurta Gaarka ah
Dadka wata mootooyinka waa in ay isgoysyada jidadka tareenka oo dhan si tartiib ah u maraan. Iska ilaali waxaa suurtowda inuu isgoysku jajabanyahay. Markasta isgoyska ku mar xagal ku dhow 90 darajo intii suura gal ah si aad iskaga ilaalisid in ay taayaradu ay kaa qabsadaan biraha wadada.

Gobolka Minnesota basaska Dugsiyada iyo basaska ganacsiga waxaa loo baahan yahay in ay joogsadaan isgoys walba ee jidadka tareenka. Darawalku waa in uu furaa albaabka shaqada iyo dariishadaha, damiyaana marawaxadaha iyo raadiyaha, dadkana faraan in ay aamusaan. Markaasi waa in uu eegaa dhagaystaana bal in tareen uu ka soo socdo dhinacna. Markaa wadada gooyaa oo kaliya marka ay amaan tahay. Inta aadan goynin wadada hubi in dhanka kale ay kuu banaan tahay in kugu filan in aan ka dhammaatid isgoyska haddii uu joogsi ku khasbanaatid. Marna ha joogsan jidka tareenka dushiisa. Marshada (ama gayrka) ha badalin marka aad goynaysid, si uuna basku kaga fariisan jidka dhexdiisa.

Baabuurta sidda waxyaabaha halista ah
Sharciyada dawladda Dhexe iyo kuwa gobolka waxa ay farayaan baabuurta sidda waxyaabha halista ah in ay joogsadaan isgoysyada jidadaka tareenada oo dhan. Si tartiib-tartiib ah u joogso si aan gadaal lagaaga dhicin. Marshada (ama gayrka) ha badalin marka aad goynaysid jidka tareenka. Markasta ay suurta gal ah isticmaal wadooyinka marka uu isgoyska tareenku uu leeyahay nalalka digniinta iyo isbaaro.

Laga soo Xigtay: Ololaha Naf-badbaadinta

Xaashida Xaqiiqada


Contact Minnesota Operation Lifesaver, Inc.,
651-328-3259; dnaumann08mnol@aol.com
2515 White Bear Ave. Suite #126, Maplewood, MN 55109
National Operation Lifesaver

Look, Listen, ... & Live!